LATEST ARTICLE

6/recent/ticker-posts

Liibaan Golcad

 


Ururka al-Shabaab ayaa 23-kii bishan Maarso waxay weerar ku qaadeen fariisin ciidamada dowladda Soomaaliya ay ku leeyihiin gobolka Shabeeladda Hoose, gaar ahaan meel u dhaw deegaanka Busleey.

Saldhigga la weeraray oo la sheegay in ay ku sugnaayeen cutubyo kala duwan oo isugu jira Militariga Somaliya, Booliska sida militariga u tababaran, iyo Nabad Suggida, ayaa waxaa la sheegay in ay gudaha u galeen dableydu.

Sargaal sare oo ka tirsan ciidamada Milatariga oo lagu magacaabo  Liibaan Golcad ayaa la xaqiijiyay in uu ku dhintay weerarka. Sidoo kale waxaa la sheegay in tiro ciidan ah la la’yahay weerarka kadib.

Al-Shabaab ayaa sheegatay in ay ku dishay in ka badan 57 askari, in kasta oo aan la xaiijin karin sheegashadooda. Dawladda Soomaaliya ayaan ka hadlin isla markiiba.

Dagaalka ay dawladda Soomaaliya kula jirto Al - Shabaab ayaa ah mid weli socda iyada oo gaabis laga dareemayey muddooyinkii u dambeeyay kadib markii ay ciidamada dawladdu soo banneeyeen qaar ka mid ah fadhiisimihii ay ku lahaayeen furimaha dagaalka.


Post a Comment

0 Comments