LATEST ARTICLE

6/recent/ticker-posts

Madaxweynaha wadanka Senegal


Madaxweynaha wadanka Senegal

Madaxweynaha wadanka Senegal

Doorashadii dalka Senegal waxay soo saartay Bassirou Diomaye oo noqonaya Madaxweynihii ugu da’da yaraa ee dalkaas. Waa 44 jir waaxda dabagalka canshuuraha ka shaqayn jiray, todobaad ka hor ayaa xabsiga laga soo daayey, isagoo muddo 11 bil ah u xirnaa qoraal uu bartiisa Facebook ku soo daabacay.

Bishii hore ayaa Maxkamadda dastuuriga ee Senegal ka diidday Madaxweynaha dalkaas Macky Sall muddo kororsi sanad ah. Xukunku waa deeq Ilaaheey bixiyo ee waxaa daran in damac dartii aad dalkaada iyo dadkaada ku gala geyso, jeer danbana si foolxun xukunka ku wayso.

Waxa uu sidoo kale wacad ku maray in uu dib ugala xaajoon doono qandaraasyada shidaalka iyo kalluumeysiga ee shirkadaha gaarka loo leeyahay ay heystaan, waxaana uu sheegay in uusan ka cabsaneyn in uu sameeyo lacag cusub oo qaran oo lagu beddelo lacagta senegal ee franc-ka taas oo uu ku dhaleeceeyay ra’iisul wasaarihii hore Amadou Ba.

Mucaaradka ayaa Faye ku eedaynaya inuu hoggaaminayo koox “qar-iskatuur ah” oo doonaya inay raacaan siyaasado khatar ku ah dalka.

Malaayiin qof oo reer Senegal ah ayaa ka qaybqaatey codbixintii Axadda ee lagu dooranayay madaxweynihii shanaad ee dalkaas. Waxay daba socotay saddex sano oo qalalaase siyaasadeed oo aan hore loo arag taasoo kicisay mudaaharaadyo rabshado wata oo dawladda lagaga soo horjeeday.

Madaxweynaha xilka haya ayaa markii ugu horeysay taariikhda Senegal aan ku jirin codbixinta. Isbahaysigiisa talada haya ayaa musharax u doortay Amadou Ba 62 jir ah.

Post a Comment

1 Comments

  1. Waa madaxweyne dhalinyaro ah waxay muu jinaysaa inaan lahor istaagi karin rabitaanka shacabka

    ReplyDelete