LATEST ARTICLE

6/recent/ticker-posts

Sheeko Xariiro

                   Sheeko Xariiro


Sheeko Xariiro

Shalayto waxay aheyd Maalinkii iigu xumeed Nolosheyda, waxaan aaday Garoonka Diyaaradaha ee adan cade INTERNATIONAL AIRPORT, anigoo raba inaan u safro Magaalada Dubai ee Dalka Imaaraatka, waxaana Garoonka gudihiisa ku arkay Haweeney qeylineysa oo sheekeygsa in laga xaday Taleefoonkeedii.

 Anigoo raba inaan caawiyo ayaan qeyb ka noqday Koox dad ah oo kusoo xoomay Haweeneyda, ha yeeshee markay aragtay Taleefoonkeyga ayay lasoo booday "Alla, Taleefoonkeyga waa kan uu Wiilkaan wato".

Dadkii ayaa halmar isoo wada eegay. waan isku naxay, waxaana garan waayay wax aan sameeyo, kadibna iyadoo Tuugga, Tuuga ku qeylineyso ayay ku dhegtay Kuleetigayga waxayna Indhaha iigu shubtay Dharbaaxo xanuun badan oo guduudisay Wajigayga.

Dadkii meesha buuxay oo rag u badnaa ayaa iyaguna bilaabay inay i garaacan, balse nasiib-wanaag aniga oo ay Naftu igu daba yartahay ayuu igasoo gaaray Nin Boliis ah oo dadkii iga celiyay, kadiba wuxuu anigoo Tacbaan ah i geeyay meel gooni ah, wuxuuna i weydiiyay sida ay wax u jiraan, waxaana anigoo ilmeynaya Wajiguna i barbarsanyahay u sharxay sida ay wax u dhaceen, kadibna wuxuu labadeenaba noo kaxeeyay Xarun ay Boolisku ku dhex leeyihiin Garoonka.

Boliiskii ayaa inta Haweeneydii Taleefan u dhiibay ku yiri: Horta wac Taleefoonkaada. Way wacday, waxaana ka qabatay Gabadheeda oo u sheegtay ayan Taleefoonka ugasoo tagtay Gurigeeda.

Mar labaad ayay illin igasoo daadatay, waayo waa lay bah-dilay, waa lay jir-dilay, waxaana layga dhigay Tuug aanan aheyn!!

 Ninkii Boliiskii ahaa ayaa Haweeneydii ku yiri: raali-gali Wiilka aad nabsiga ka gashay, kadibna waxay iyadoo ilmeyneysa iga codsaday inaan cafiyo, waxayna Boorso ay garabka ku wadatay kalasoo baxday Jeeg Bangiyeed (Cheque ), waxayna ku qortay $500, deetana way iiso taagtay iyadoo ilmeyneysa.

Anigoo rabo inaan ka qaato ayaa Gacanta taagtay, ha-yeeshee waxaan Indhaha Faraha ka geliyay saaxiibkeey Ahmed Osman Ciise oo agteyda jiifay, markaas ayaan Indhaha kala qaaday, waxaana ogaaday inaan riyoonayay oo aan jiifo Sariirtayda Hurdada.

Sheekadaan waxay Hurdada ku qabsatay sxbkey Liibaan Abdulkadir oo ilaa hadda ka xun Lacagtii Riyada ku dhaaftay.

 Sheekadan ka baro inaadan qiiroon adigoon wax hubsan, iyo sida daqiiqad gudaheed Farxad iyo Murugo loola noolaado.

Bal nalawadaag dareenkaaga intii aad aqrinaysay Riyadaan.

Post a Comment

1 Comments